Man United Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Gaartay, Gool
Manchester United ayaa kulankii labaad oo isku xiga oo Premier League gaartay guul soo laabasho cajiib ah iyadoo seddex gool oo kala daran ku bedelay hal gool oo ay ku hormartay West Ham United.Labada kooxood ayaa ciyaarta kala lahaa labadii qeyb, iyadoo qeybtii hore ay West Ham wacdarro dhigtay islamarkaana hogaanka u qabatay ciyaarta, laakiin qeybtii labaad oo ay bedel ku soo galeen Rashford iyo Fernandes Man United ayaa xasuuq degdeg ah geysatay iyagoo seddex gool ku dhaliyay 13 daqiiqo gudaheed.Pogba ayaa gool lagu indho…