Mesut Ozil Oo Soo Xushay Shaxdiisa SHAN Geesoodka Ah,
Mesut Ozil ayaa soo xushay shaxdiisa shan geeskoodka ah, waxaanu uga dhaartoy ciyaartoyda kooxdiisa hadda ee Arsenal, halka uu kasoo buuxiyey laacibiintii ay kusoo wada qaateen Real Madrid ee ay illaa hadda qaarkoodna sii joogaan Santiago Bernabeu.Ozil oo 32 jir ah ayaa Arsenal usoo wareegay sannadkii 2013kii, waxaanu waqtigan ku dhibaataysan yahay Emirates Stadium iyadoo laga reebay liiska ciyaartoyda horyaalka Premier League iyo Europa League ciyaaraysa intaba.Kulan ciyaareed caadi ah oo uu safto waxa ugu dambaysay bishii…