Tababare Quique Setien Oo Dacwad Ka Gudbiyey Kooxdii Shaqada
Quique Setien ayaa dacwad ka gudbiyey kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu ku eedeeyey inay jabiyeen heshiiskii u dhaxeeyey ee ahayd inay fuliyaan markii ay shaqada ka caydhiyeen xagaagii.Tababarahan reer Spain oo bishii December ee sannadkii hore shaqada ka beddelay Ernesto Valverde ayaa kaliya soo gaadhsiiyey naadiga dhamaadkii xili ciyaareedka, waxaana shaqada laga eryey markii ay Bayern Munich sida bahdilaadda ah ugu garaacday 8-2 iyo horyaalka LaLiga oo dhamaadkiisii ay Real Madrid kaga guuleysatay.Kooxda reer Catalonia…