Ururada bulshada rayidka ah waxay ‘dhexdhexaadinayaan’ dowladda iyo mucaaradka! – Axadle

Golaha midowga musharixiinta ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho xubno ka socday ururada bulshada rayidka oo uu hogaaminayay gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shatax, iyagoo ka wada hadlay caqabadaha horyaala doorashooyinka 2020-2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay ugu baaqeen Midowga Musharaxiinta in ay dhex dhexaad ka noqdaan caqabadaha dhanka doorashada.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan doorka dhexdhexaadinta ee ay ciyaarayaan ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Tahliil Shaath oo ah gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu hordhac u yahay dhexdhexaadinta caqabadaha iyo arrimaha la isku haysto ee guddiga doorashada, isagoo xusay inay la kulmi doonaan hogaamiyayaasha ugu sareysa dowlada federaalka si xal loogu helo. looga hadlayo doorashooyinka 2020 – 2021.

Kulankan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka oo waqtigeeda dastuuriga ah uu ku egyahay ay maalmihii la soo dhaafay qaaday talaabooyin ay ku sii hurineyso muranka dhanka cod bixinta oo ay ka mid tahay in ciidamo la geeyo gobolka Gedo sida ay sheegeen mucaaradka.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More