Real Madrid ayaa Barcelona kaga guuleysatay saxeexa ciyaartoy da’da yar oo layaab leh, kaas oo ay ku loollamayeen intii lagu soo dhowaaday dhamaadka suuqa iibka ciyaartoyga ee caawa saqda dhexe lasoo afjarayo.Los Blancos ayaa suuqa xagaagan aan wax saxeexyo ah samaynin, waxaana kaliya furnaa albaabka laga baxayo, iyadoo iibisay Sergui Reguilon, Achraf Hakimi, James Rodriguez, dhawr ciyaartoy oo amaah ku maqnaa iyo kuwo kale oo da’yarteeda ku jiray.Sidoo kale, waxay amaah ku bixisay Gareth Bale, Dani Ceballos, Kubo, Reinier,…