Maxaa Kala Heysta Liverpool & VAR? Labo Gool Oo Laga Diiday,
Muuqaal caawiyaha garsooraha VAR iyo kooxda Liverpool ma ahan kuwa isku fiican xilli ciyaareedkan iyadoo dhowr jeer oo hore ay Reds dhibco ku weyso go’aamo waa weyn oo ay gaareen garsoorayaasha maamula VAR ee Premier League.Kulankii maanta ee Amex Stadium oo Liverpool laga beeniyay seddexda dhibcood waqtigii dhimashada ciyaarta, waxaa diirada ay saarneyd VAR oo gaartay go’aamo saameyn weyn ku yeeshay natiijada ciyaarta.Kooxda martida loo ahaa ayaa waxaa soo martay fursad dahabi ah markii Neco Williams uu rigoore ku galay…