Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester City vs Burnely –

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysa kooxda Burnley iyadoo uu tababare Pep Guardiola u baahan yahay inuu helo guul ay kooxdiisu sare ugaga soo kacdo kaalinta 14aad ee ay ku jiraan.

Tababare Pep Guardiola ayaa shax xooggan kusoo galay ciyaartan, waxaanu keenay Kevin de Bruyne oo uu nasiyey ciyaartii Champions League ee Olympiacos waxaana sidoo kale kusoo laabtay safka kooxda difaaca midig ee Kyle Walker.

Labada difaac ee dhexe ayay kusoo bilowdeen ciyaartii labaad oo xidhiidh John Stones oo uu Guardiola amaanay usbuucii hore iyo Diaz oo xagaagii ay lasoo saxeexdeen halka dhinaca bidixna uu xajistay Mendy.

Rodri iyo Ilkay Gundogan ayaa khdka dhexe la wadaagay Kevin de Bruyne, balse weerarka ayay wax badan iska beddeleen waxaana kusoo wada bilowday Riyad Mahrez iyo Ferran Torres oo dhinacyada ka caawinaya Gabriel Jesus.

Laacibka reer England ee Raheem Sterling ayaa kaydka kula  jira Bernardo Silva, Fernandeinho, Cancelo, Foden iyo Eric Garcia.

Sergio Aguero ayaa dhaawac ah oo ka maqan shaxda, waxaase la filayaa inuu kusoo laaban doono dhowaan.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More