Deni & Madoobe oo diiday ka qaybgalka Shirka Madasha
Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyay in si iskood ah ay u joojiyeen safar Muqdisho lagu waday in ay kusoo gaaraan Madaxweynayaasha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe & Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay qayb uga noqdaan Shirka Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu Berri oo Isniin ah kuna beegan 7-da December 2020 uu ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalaya Hogaamiyayaasha heer federal & heer Dowlad Goboleed…