Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday xiddigo
Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha Liverpool ay ka xumaadeen ka dib barbarihii ay la galeen West Brom Axadii.
Reds ayaa inta badan gacanta ku heysay kubad heysashada intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta markii West Brom ay sameysay shaashad difaac adag.
Sadio Mane ayaa daqiiqadii 12-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib baas uu ka helay Joel Matip laakiin Liverpool ayaa ku fashilantay in ay dhamaystirto fursadaheeda 2-aad iyaga oo qaybtii hore ee ciyaarta ku hogaaminaya 1/0.
West Brom ayaa horumar weyn samaysay qaybtii dambe ee ciyaarta markii ay fursad heleen kadib markii Semi Ajayi uu madaxa ku taabtay birta Matheus Pereira si uu kooxdiisa dhibic u siiyo.
Liverpool ayaa lumisay fursad ay shan dhibcood ku qaadan kartay Premier League, halkaasoo Klopp uu dareemay in kooxdiisu u qalanto barbaro wuxuuna qirtay in ciyaartoydu ay cadhoodeen markii ay soo galeen qolka labiska ciyaarta ka dib.
Markii la weydiiyay ciyaarta ka dib hadii natiijadan ay u muuqatay guul darro, Klopp ayaa yiri: “Haa, waxay la mid tahay guuldarro laakiin waxaan heysanaa hal dhibic oo ka badan tii hore taas oo ka dhigeysa wax fiican.
Dhibaatadaydu waxay tahay waxaan u maleynayaa in West Brom ay uqalantay dhibcaha – iyagaa khaladkooda lahaa, laakiin wey uqalmeen qeybtii labaad.
“Qeybtii hore waxay ahayd mid aan caadi aheyn, wali ma ogin faahfaahinta ciyaarta laakiin waxaan u maleynayaa in kubadeena ay aheyd boqolkiiba 90 ama wax.
Shantii daqiiqo ee ugu horreysay qeybta labaad waxay abuureysaa xaalado ka badan sidii ay sameeyeen qeybtii hore, waana ku xallin karnay taas inaan kubbadda si fudud u dhaafno oo aan ugu dhiibno ciyaaryahanka xiga.
“Waan sameyn karnay laakiin ma aanan sameyn, waana taas sababta aan qaladka u leenahay ugu dambeyntiina ciyaartu waxay isku badashay 1 mana noqonin 1-0 ama 2-0. Marka waa inaan aqbalnaa natiijada.
Ciyaartoydu way ka xanaaqsan yihiin cid kasta oo kale maxaa yeelay way ogyihiin in qaab ciyaareedkoodu uusan fiicnayn hadana waa inaan ciyaarnaa kulanka soo socda seddex maalmood ka dib.
Kuma noolaanno dhul riyo ah mana ku guuleysaneyno kulamada kaliya sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan guuleysano, waa inaan ka shaqeynaa sidii aan u guuleysan lahayn.