PSG ayaa magdhow siisa tababaraha

Paris Saint-Germain ayaa Thomas 5.4 milyan oo magdhow ah siisay tababarihii shaqada laga cayriyay ee Thomas Tuchel kaas oo lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda.

Sida laga soo xigtay suxufiga caanka ah looga cabsaday xogta suuqa iyo sirta ciyaaraha Fabrizio Romano, PSG markii uu helay badalka Tuchel, tababaraha ayaa heshiis la gaadhay isbadalka.

Weriyaha ayaa sheegaya in Pochettino iyo PSG ay heshiis gaareen, laacibka reer Argentina ayaa saxiixay heshiis aan la shaacin oo uu ku noqonayo tababaraha cusub ee PSG.

Heshiiska ayaa dhacay Axadii, wariyaha ayaa xaqiijiyay, laakiin ma uusan cadeyn mushaarkiisa iyo tirada sanadaha uu saxiixay.

Tababaraha reer Argentine ayaa badalay Thomas Tuchel, oo ay shaqada ka caydhisay PSG todobaadkii hore kadib guushii 4-0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Racing Strasbourg, laakiin waxa xigay wareysi uu ku sheegay wax lala yaabo.

Sky Germany ayaa wakhtigaas sheegay in agaasimaha isboortiga PSG Leonardo uu qaatay go’aanka ah inuu shaqada ka caydhiyo Tuchel isagoo ka jawaabaya hadaladii wareysiga ee aan jeclayn PSG.

Tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii laga eryay shaqada kooxda Tottenham sanad ka hor wuxuuna haatan dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnayd.

Pochettino ayaa horay loola xiriiriyay kooxo waa weyn oo yurub ah oo ay ka mid yihiin Barcelona, ​​Real Madrid iyo Manchester United, waxaana ugu danbayn lala xiriiriyay kooxda Paris Saint-Germain oo ay ku jiraan Neymar, Mbappe, Di Maria, Verratti, Marquinhos iyo kuwa kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More