Manchester United Oo Garaacday PSG Oo Garoonkeeda Joogta,
Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa Manchester United ka caawiyey inay guul 2-1 ah kala soo laabato Paris Saint-Germain oo ay ugu tagtay magaalada Paris.Manchester United ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Bruno Fernandes, waxaase PSG ay barbarro ku heshay madax uu iska dhaliyey Anthony Martial oo rikoodhaha kooxdiisana keenay.Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United u dabbaal-degtay goolka guusha oo uu u dhaliyey Marcus Rashford oo ciyaarta oo dhan khatar ku ahaa PSG, waxaanu goolkiisu ahaa…
