Xeer ilaaliyaha qaranka: “ICJ waxay sugeysaa jadwal wareeg ah
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay soo gudbinta Soomaaliya ee cadeymaha iyo doodaha la xiriira muranka lahaanshaha badda ee Kenya wuxuuna sheegay in macluumaadkaas lagu bixiyay si waafaqsan sharciga caalamiga.
Suleymaan wuxuu sheegay inuu sugayo go’aan ka soo baxa kal-fadhiga todobaadka soo socda ee ICJ oo ku saabsan qaabka, waqtiga iyo hadii ay wax iska badali doonaan, maadaama labadii kalfadhi ee 15 iyo 16 March 2021 ay soo gudbisay Soomaaliya.
Wareegga labaad ee…