Yaa la tartami doona GEELLE doorashada sanadkaan?
Jabuuti – Magaalada Jabuuti waxaa ka dhaceysa doorashada madaxweynaha Abriil 9, 2021, iyadoo si rasmi ah dhawaan loo bilaabi doono ololaha doorashada.
Diyaargarowga ayaa si habsami leh uga socda magaalada Jabuuti ee doorashada, taas oo dhici doonta toddobaadyada soo socda, iyadoo madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle iyo mid kale oo cusub ay doorteen murashaxa.
Liiska musharixiinta waxaa soo gudbisay wasaarada arimaha gudaha ugu dambeyntiina waxaa saxiixay madaxweynaha xilka haya oo leh ereyada soo socda;
1-Ismacil Cumar Geele: Madaxweyne iyo Musharax Xisbiga PRP ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
2-Sakariye Ismaaciil: waa musharax madax banaan marka loo eego taariikhdiisa.
Ismaaciil Cumar Geelle waa madaxweynihii labaad ee taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 44 sano ka hor, kala badhna waxaa hoggaamiya madaxweyne Geelle.
Geelle ayaa intiisa badan ku dooday inuu horumar la taaban karo ka sameeyay dalka jabuuti tan iyo intii uu xilka qabtay isagoo dhowr jeer muujiyay kalsooni ah inuu guuleysan doono maadama uu horumar ka sameeyay, guulo iyo hogaamin wanaagsan oo uu ka sameeyay dalka jabuuti mudadii 22-ka sano ee uu xilka hayay
Madaxweynaha Jabuuti ayaa inta badan lagu eedeeyaa inuu ka caga jiidayo inuu wareejiyo xukunka oo uu qabto doorashada ku celiska ah ee bulshada dhexdeeda, inkasta oo uu beeniyay eedeymahaasi.