Koobka adduunka ayaa la qabtaa labadii sanaba mar
Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa soo jeediyay in wax laga badalo ciyaarta guud ahaan si fursad loo siiyo ciyaartoyda inay ku guuleystaan Koobka Adduunka dhowr jeer.Arsene Wenger oo loo magacaabay madaxa cusub ee horumarinta kubada cagta FIFA ayaa sheegay in loo baahan yahay isbadal dhanka kubada cagta ah gaar ahaan inta lagu guda jiro Koobka Aduunka oo afartii sanaba mar la qabto.Koobka Aduunka 2022 ee Qatar ayaa la qaban doonaa waqti ka duwan kan bartamaha sanadka, waxayna tani saameyn ku yeelan doontaa…