Mbappe Mise Haaland? Halyeey Jamie Carragher Oo
Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa doortay labada xilli ciyaareed ee ugu rajada fiican, Erling Braut Haaland oo ka yimid Borussia Dortmund iyo Kylian Mbappe oo ka yimid Paris Saint-Germain.
Haaland iyo Mbappe labadoodaba waxay kujireen qaab ciyaareed aad uwanaagsan isbarbar dhigna waa lasameeyay, warar xan ah oo suuqa dhexmara ayaa lala xiriirinayaa kooxo kale.
Haaland oo lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Carragher kooxdiisii hore ee Liverpool ayaa noqon laheyd saxiixii ugu horeeyay ee kooxda hadii uu Carra go’aansado.
Carragher ayaa sheegay inuu markasta ka dooran jiray Mbappe labada da ’yar, laakiin imika xaaladu way is bedeshay oo hada wuu dooran lahaa Haaland wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay sida Haland ugu dabaal degtay goolhayihii Sevilla rigooradii ugu dambaysay.
Jamie ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaan daawaday fiidiyowga gaaban maanta, mar walbana waxaan doortaa Mbappe ka hor inta aysan wax ka jirin Haaland.
“Wuxuu umuuqdaa mid waalan laakiin wuxuu umuuqdaa mid wanaagsan, waxaad u maleyneysaa inuusan wax lug ah ku laheyn arintaas, waxaad arkeysaa dabaal dagii uu kula sameeyay Champions League goolhayaha, waan jeclaaday, waxaan dooran lahaa Haaland.”
Da’yarka reer Norway ayaa dhaliyay 47 gool sidoo kale caawiye ka noqday 11 kale 48 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Borussia Dortmund.
Si kastaba ha noqotee, Mbappe wuxuu leeyahay 116 gool, 59na caawiye 158 kulan oo uu u saftay Paris Saint-Germain.