Xiddig Weyn Oo Man United Ka Tirsan Oo Beeniyay
Daniel James ayaa beeniyay inuu ahaa taageere weyn oo Liverpool ah ka hor inta uusan ku biirin Manchester United, iyadoo wariyaha Sky Sports Jim White uu labo sannadood ka hor shaaciyay in Daniel James uu taageero weyn u yahay Reds.
James ayaa heshiis 17 milyan ginni ugu wareegay Old Trafford xagaagii 2019 isagoo ka soo wareegay kooxda Swansea City.
Ka hor intii aan lagu dhawaaqin heshiiskiisa Jim White ayaa ka sheegay Sky Sports in Daniel James uu taageero weyn u yahay kooxda ay Man United cadowga yihiin ee Liverpool.…