Al-Shabaab:-Waxa aan weeraraynaa Saldhigyada Mareykanka
Axmed Cumar Abuu Cubayda Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa dagaalyahanadiisan ku booriyay in la weeraro “danaha Mareykanka iyo Faransiiska” ee ka socda Jabuuti, wax ka yar laba toddobaad ka hor doorashada madaxweynenimo ee dalkaas.
Fiidiyow la sii daayay galinkii dambe ee Sabtidii, Abuu Cubayda ayaa si kulul u weeraray Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo xukunka dalkaasi hayay tan iyo 1999 waxaana lagu wadaa inuu ku guuleysto markii shanaad doorashada dalkaasi 9-ka Abriil maadaama uu kulamo lagu taageerayo ay guud…