Ayeeyada Barack Obama oo geeriyootay. – AxadleTM
Sarah Onyango Obama oo ah Ayeeyada Madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo Isniin ah ku geeriyootay Isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee ku yaalla Magaalada Kisumu Kenya iyada oo jirtay 99-sano.
Warbaahinta Kenya & kuwa Mareykanka ayaa aad u hadal haya Haweeneydaan oo ahayd Samafale si dhaw dadka u gacansiin jirtay, waana tan keentay in ay caan ka noqoto Galbeedka Dalka Kenya.
Ayeeyada Obama waxa ay dhashay Carruurta kala ah: Zeituni Onyango, Yusuf Obama, Omar Okech Obama, Sayid Obama, waxaana…