Al-Shabaab:-Waxa aan weeraraynaa Saldhigyada Mareykanka
Axmed Cumar Abuu Cubayda Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa dagaalyahanadiisan ku booriyay in la weeraro “danaha Mareykanka iyo Faransiiska” ee ka socda Jabuuti, wax ka yar laba toddobaad ka hor doorashada madaxweynenimo ee dalkaas.
Fiidiyow la sii daayay galinkii dambe ee Sabtidii, Abuu Cubayda ayaa si kulul u weeraray Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo xukunka dalkaasi hayay tan iyo 1999 waxaana lagu wadaa inuu ku guuleysto markii shanaad doorashada dalkaasi 9-ka Abriil maadaama uu kulamo lagu taageerayo ay guud ahaan dalkaasi ka socdaan.
Hogaamiyaha Al Shabaab ayaa ku eedeeyay Geelle inuu u badalay wadanka ku yaal Geeska Afrika ee Jabuuti “saldhig militari oo laga soo abaabulo dagaal kasta oo ka dhan ah Muslimiinta bariga Afrika.”
“Ka dhig danaha Mareykanka iyo Faransiiska ee Jabuuti mudnaanta ugu sareysa ee bartilmaameedkaaga” ayuu u sheegay muuqaalka la soo galiyay baraha Internet-ka ee Al Shabaab.
Wadanka istiraatiijiga ah ee Jabuuti oo ah marin ay u noqday Afrika iyo Jasiiradda Carabta ayaa ayaa ku qasabtay Quwaha caalamka in ay ka dhigtaan saldhigyo milatari si ay u ilaashadaan danahooda gobolka.
Gumeystihii hore ee Faransiiska ayaa ku leh Jabuuti Saldhiga ugu weyn wadankiisa ee Afrika- ilaa 1,500 oo askari ayaa ka jooga – iyo sidoo kale xerada kaliya ee joogtada ah ee Mareykanku ku leeyahay qaarada, oo ay ku suganyihiin ilaa 4,000 oo askari.
Japan iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale saldhigyo ku leh Jabuuti, halka Shiinaha uu ku lahaa deked iyo saldhig milatari dalka illaa 2017.
Jabuuti ayaa ciidamo ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dagaalka kula jira Al Shabaab.
Sanadkii 2014 Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday makhaayad ku taal Jabuuti, halkaas oo lagu dilay nin Turki ah laguna dhaawacay ku dhowaad 20 qof oo kale, oo ay ku jiraan 7 u dhalatay Faransiiska, lix u dhalatay Holland, afar Jarmal ah iyo saddex Isbaanish ah.
Al Shabaab ayaa xilligaasi sheegtay in ay u bartilmaameedsadeen maqaayada maxaa yeelay waxa ay caan ku ahayd “Sirdoonka Faransiiska iyo xulafadooda NATO”.
Muwaadiniinta faransiiska ah waxaa loo bartilmaameedsaday waxa ay Al Shabaab ku sheegtay in ay tahay “la shaqeynta xasuuqa iyo dhibaateynta walaalaha muslimiinta ah ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo doorka firfircoon ee ay ku leeyihiin tababarka iyo qalabeynta ciidamada Jabuuti”.