Sababtii Uu Uga Tagay Barcelona, Xiddigii Ugu
Daafacii hore ee kooxda Barcelona ee Dani Alves ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u go’aansaday inuu iskaga tago kooxdaas isaga oo sidoo kale doortay daafacii ugu adkaa ee uu kahor tagay iyo xiddigii ugu caqliga badnaa ee uu kasoo garab ciyaaray waayihiisa ciyaareed. Alves ayaa iskaga tagay Barcelona sanadkii 2016 isaga oo madaxda sarre ee kooxda wakhtigaas haysatay u arkayay kuwo aan ku haboonayn kaddib mudo siddeed sano ah oo uu soo joogay oo uu kula soo guuleystay lix horyaal La Liga iyo saddex Champions League.
Hadda barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo uu bartiisa Instagram oo ay kula socdaan 31.7 milyan oo qof ku qabtay ayuu kaga hadlay sababta bixitaankiisa. Xiddiga haatan ee kooxda Sao Paulo ayaa yidhi isaga oo faalo ka bixinaya sababta uu u go’aansaday inuu iskaga tago Camp Nou “Anigu maan aaminsanayn hoggaamiyayaasha xilka hayay wakhtigaas” “Mudo kaddib waxa la xaqiijiyay inaan saxsanaa, maadaama oo aan ahaa qofkii ugu horreeyay ee sidaas yidhi waxay igu sheegeen nin waalan, laakiin sida caadiga ah waxaan ahay nin waalan oo wanaagsan” Maamulka Barcelona ayaa lagu eedeeyay inaysan si fiican u dhisin safkii Barcelona ee kusoo guuleystay Champions League sanadkii 2015 iyaga oo bedelkeeda diray xiddigo badan oo muhiim ah oo uu Luis Suarez ugu dambeeyay. Dhinaca kale Dani Alves ayaa kabtankiisii hore ee Barcelona ee Xavi Hernandez ku sifeeyay xiddiga ugu caqliga badan ee uu kasoo garab ciyaaray isaga oo dhinaca kale hoggaamiyaha Real Madrid ee Sergio Ramos u doortay daafaca ugu adag ee uu kahor tagay. Mar la weydiiyay haddii xiddiga ay Brazil kasoo wada jeedaan ee Neymar uu yahay ciyaaryahanka ugu xirfada badan dunida kubadda cagta wakhti xaadirkan ayuu Alves ku jawaabay “Shaki la’aan”