Barcelona, Real Madrid, PSG Mise Chelsea? Kooxda Hoggaanka U Haysa
Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo warramayaa inay ka go’antahay inuu kasii ciyaaro horyaalka Premier League isla markaana ay kooxda Chelsea tahay mida hoggaanka u haysa saxeexiisa.Gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Man City ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan iskaga tagaya Etihad Stadium kaddib mudo tobban sano ah oo uu si hagar la’aan ah ugu soo shaqaynayay.City ayaa si rasmi ah u shaacisay Isniintii inay halyeeynimada kooxdooda ee Aguero ku calaamadin doonaan taalo ay uga dhisayaan…