Hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo kulmaya
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmi doona shir u dhexeeya dowladda federaalka ee waqtigeedu sii idlaaday iyo dowlad goboleedyada maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da Abriil, 2021-ka, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan heshiiskii la saxiixay Sebtember 17, 2020.
War saxaafadeed ay soo saartay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in shirkan uu isugu yeeray madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed C / llaahi Farmaajo oo ku sugan xarunta ciidamada cirka Soomaaliya ee Afisiyo, wuxuuna qeyb ka ahaa heshiiskii ay gaareen guddiga farsamada ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Baydhabo 16-kii bishii Febraayo 2021.
“Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed, wuxuu mar kale ku casuumay Madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Dowlad Goboleed kulan (jab-buure) kulanka Sabtida, Abriil 3, 2021 ee xaruunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni si looga wada hadlo heshiisyada fulinta ee 17ka Sebtember , 2020 iyo Febraayo 16, 2021. “ ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in kulankan ay soo qabanqaabisay beesha caalamka ujeedkiisuna yahay sidii heshiis looga dhex dhigi lahaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku saabsan doorashooyinka ka dhacaya dalka.
“Dawladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa dadaalka Beesha Caalamka ee lagu xallinayo caqabadaha doorashooyinka, waxayna isla oggoshahay in Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS ay isugu yimaadaan kulan hordhac ah maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 3-da Abriil, 2021-ka. wadatashiga arrimaha doorashooyinka. Shirka oo ay soo qabanqaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay sidii hogaamiyayaasha Soomaalida looga caawin lahaa inay heshiis ka gaaraan ajandaha shirka iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo qaban karo. ” Ayaa lagu qeexay Qoraal DG Puntland ka soo kasoo baxay.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka shirar isdaba joog ah oo uu iclaamiyay Hogaamiyaha xilka ka sii degaya Maxamed C / llahi Farmaajo kadib markii ay soo bandhigeen shuruudo dhowr ah, laakiin Beesha Caalamka ayaa go’aansatay in dib loo dhigo kalfadhiyada inta heshiis laga gaarayo dhinacyada is fahmay.