Luis Suarez Oo Ka Tagaya Atletico Madrid, Shaqsiga Uu Ka Cadhaysan
Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas kaddib xidhiidhka kala dhaxeeya tababarihiisa Diego Simeone oo noqday mid adag.Suarez oo heshiiskii uu u saxeexay Atletico Madrid ku daray qoddob u ogolaanaya inuu xagaaga si bilaash ah ku tagi karo haddii uu u baahdo ayaa qandaraas laba ilaa saddex sano ah ka helay kooxda ree Maraykan ee Inter Miami oo uu mulkiyadeeda leeyahay David Beckham.Sida uu sheegayo warsidaha ree Spain ee Todofichajes, xidhiidhka xun…