Dibadbaxayaasha oo xiray waddooyinka magaalada Gaalkacyo
Gaalkacyo (Axadle) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay gadood ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka dhaqaaqay Xerada Indha Qaris, waxayna la wareegeen seddex bar koontarool oo laga soo galo magaalada Gaalkacyo.
Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ay joojiyeen dhaq dhaqaaqii ka socday koonfurta Gaalkacyo, iyaga oo ka celinaya gawaarida…