Goorma Ayay Inter Milan Ku Guuleysan Doontaa Horyaalka Serie A Ka Dib
Matteo Darmian ayaa noqday geesi aan la fileynin iyadoo Inter Milan ay garaacday Cagliari iyagoo hogaanka horyaalka Serie A ku qabtay 11 dhibcood oo nadiif ah.Xiddigii hore ee Manchester United ayaa shabaqa ku taabtay karoos uu soo dhigay Achraf Hakimi ciyaarta oo 14 daqiiqo ay ka harsan tahay taasoo Inter Milan u xaqiijisay guusheedii 11aad ee isku xigta.Inter Milan shan guul kaliya ayaa ka xigta inay hantaan horyaalkoodii ugu horeeyay Serie A ee tan iyo 2010.Kooxda dhibtooneysa ee Cagliari ayaa jahwarerisay Inter kuwaasoo…