Goorma Ayay Inter Milan Ku Guuleysan Doontaa Horyaalka Serie A Ka Dib
Matteo Darmian ayaa noqday geesi aan la fileynin iyadoo Inter Milan ay garaacday Cagliari iyagoo hogaanka horyaalka Serie A ku qabtay 11 dhibcood oo nadiif ah.
Xiddigii hore ee Manchester United ayaa shabaqa ku taabtay karoos uu soo dhigay Achraf Hakimi ciyaarta oo 14 daqiiqo ay ka harsan tahay taasoo Inter Milan u xaqiijisay guusheedii 11aad ee isku xigta.
Inter Milan shan guul kaliya ayaa ka xigta inay hantaan horyaalkoodii ugu horeeyay Serie A ee tan iyo 2010.
Kooxda dhibtooneysa ee Cagliari ayaa jahwarerisay Inter kuwaasoo arkay daafaca Stefan de Vrij oo kubad madax aheyd ay birta kaga dhacday daqiiqadii 68aad.
Kooxda Antonio Conte ayaa haatan u baahan shan guul ay ka helaan sideeda kulan ee u harsan si ay ugu guuleystaan horyaalkoodii ugu horeysay ee tan iyo xilli ciyaareedkii 2009-10.
Ka dib markii kooxda kaalinta labaad ee AC Milan ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay shalay kooxda Parma, Inter ayaa ka talaabsatay Caglair iyadoo haatan mareysa kulankii 14aad ee isku xiga ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin.
Xiddiga ay amaahda uga soo qaateen Parma ee Darmian ayaa seddexda dhibcood u xaqiijiyay iyadoo Cagliari ay shan dhibcood u jirto booska badbaadada.
Your browser does not support the audio element.