Arsenal Oo U Dhaqaaqeysa Saxiixa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Uga Magaca
Arsenal ayaa qorsheyneysa inay West Ham ka hor joogsato qorshaheeda ah inay heshiiska amaahda ee Jesse Lingard ugu bedesho mid joogta ah, sida ay qortay jariirada The Sun.
David Moyes ayaa jeclaan lahaa inuu heshiiska Lingard ee London ka dhigo mid joogta ah ka dib markii uu wacdarro u dhigay kooxda u hanqal taageysa afar sarre.
Laakiin West Ham ayaa u sheegtay Manchester United inay iska ilowdo qorshaheeda ah inay isku bedeshaan Jesse Lingard iyo xiddiga khadka dhexe ee West Ham Declan Rice.
Waxayna taasi albaabka u furtay Gunners oo haatan ku horeysa saxiixa xiddigaan iyagoo durbaba iibkiisa wax ka weydiiyay kooxda Manchester United.
Arsenal ayaa xaqiiq ahaan la ogaaday inay dooneysay inay amaah kula wareegto Lingard ka hor suuqii kala iibsiga ee bishii Janaayo.
Laakiin United ayaa diiday inay amaah ku siiso koox ay filayeen inay si dhab ah kula xafiiltami doonto afarta sarre.
Lingard kaliya 12 bilood ayaa uga harsan qandaraaskiisa Man United, iyadoo United ay jeclaan laheyd inay qandaraas cusub ka saxiixaan haddii kaliya ay hubaan inay lacag badan ku helayaan iska iibintiisa.
Sidaasi oo ay tahay ciyaaryahanka ayaa haatan u janjeera inuu si rasmi ah uga tago Old Trafford ka dib markii uu kubad joogta ah ka helay West Ham, taasoo aysan hubanti aheyn inuu ka heli doono Man United haddii uu ku laabto.
Qaab ciyaareedka Lingard ayaa ah mid aad u fiican taasoo keentay in dib looga soo yeero xulka England isagoo haatan ka mid ah xiddigaha safka hore ee England uga qeybgalaya Koobka Qaramada Yurub ee xagaaga.
Kooxda Talyaaniga ee AS Roma ayaa sidoo kale qiimeyneysa xaaladiisa.
Your browser does not support the audio element.