Real Madrid Oo Musiibo Ku Habsatay Saacado Ka Hor Kulanka
Real Madrid ayaa lagu wargeliyey war naxdin iyo argagax ku abuuray oo musiibo ku noqonaya Zinedine Zidane, kaas oo durba uu ka burburay qorshihii uu caawa kula ciyaari lahaa Liverpool.
Zinedine Zidane ayay kooxdiisu isku diyaarinaysay toddobaadka go’aaminaya mustaqbalkeeda xilli ciyaareedkan oo toddoba maalmood gudahood ay laba jeer wada ciyaarayaan Liverpool iyo mar Barcelona ah.
Los Blancos ayuu hore uga dhaawacnaa difaaca reer Spain ee kabtanka u ah ee Sergio Ramos oo toddobaadkii hore xulka qarankiisa wax kusoo…