Real Madrid Oo Musiibo Ku Habsatay Saacado Ka Hor Kulanka

Real Madrid ayaa lagu wargeliyey war naxdin iyo argagax ku abuuray oo musiibo ku noqonaya Zinedine Zidane, kaas oo durba uu ka burburay qorshihii uu caawa kula ciyaari lahaa Liverpool.

Zinedine Zidane ayay kooxdiisu isku diyaarinaysay toddobaadka go’aaminaya mustaqbalkeeda xilli ciyaareedkan oo toddoba maalmood gudahood ay laba jeer wada ciyaarayaan Liverpool iyo mar Barcelona ah.

Los Blancos ayuu hore uga dhaawacnaa difaaca reer Spain ee kabtanka u ah ee Sergio Ramos oo toddobaadkii hore xulka qarankiisa wax kusoo noqday, muddo bil ahna garoomada ka maqnaanaya.

Laakiin kalidii kuma ah, waxaana si dhab ah u burburay difaaca kooxda oo uu ka baxay laacibkii labaad ee ugu kalsoonida badnaa ee Zidane uu filayay in uu ka saari doono kulamadan adag.

Real Madrid ayaa hadda shaacisay in difaaca reer France ee Raphael Varane laga helay fayraska Korona kaddib baadhitaan lagu sameeyey subaxnimadii saaka.

Laacibkan ayaa gelaya karantiil, waxaanu seegi doonaa ciyaarta caawa ee Liverpool, kulanka Barcelona ee Sabtida iyo sidoo kale lugta labaad ee Liverpool ay ugu tegi doonaan Arbacada toddobaadka dambe.

Sida ay kooxdiisu sheegtay, Varane ayaa gurigiisa ku dhamaysan doona muddo toban maalmood oo karantiil ah oo ka bilaabmaya maanta oo uu shaybaadhku soo baxay, waxaanay taasi ka dhigan tahay in aanu ciyaari doonin kulamada caawa ee Liverpool, Sabtida ee Barcelona iyo Arbacada dambe ee Liverpool.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Varane aanu xataa kasoo qayb-gelin tababarkii kooxdiisa ee Isniintii isagoo sugayay jawaabta shaybaadhka.

Raphael Varane ayaa kaliya saddex ciyaarood dhaawac kaga maqnaaday Real Madrid xilli ciyaareedkan, waxaana uu qaab ciyaareedkiisu ahaa mid sarreeya oo ay hubaal tahay in Los Blancos ay u jabi doonto kulamada labada ah ee Liverpool iyo El Clasico oo Barcelona ah.

Maqnaanshaha Varane ayaa ku qasbi doona Zidane in uu ciyaarsiiyo Nacho Fernandes oo isagana hal kaadh uga hadhsan tahay inuu hal kulan ganaax ku seego iyo Eder Militao oo la xasuusan yahay qaladaadkii uu sameeyey kulamadii ay xilli ciyaareedkii hore kooxdiisu kaga hadhay Champions League.

Varane ayaa liiska maqnaanshaha kooxdiisa kula biiraya Eden Hazard, Dani Carvajal iyo Ramos oo dhamaantood dhaawac ah.

27 jirkan ayaa noqonaya ciyaartoygii lixaad ee Real Madrid ah ee uu ku dhaco Fayraska Korona, waxaana ka horreeyey Eder Militao, Eden Hazard, Casemiro, Luka Jovic iyo Nacho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More