WARBIXIN: SHAN Arrimood Oo Real Madrid Ay Ku Garaaci Karto Liverpool
Real Madrid ayaa garoonkeeda Estadio Alfredo Di Stefano ku qaabilaysa Liverpool lugta hore ee wareegga 16ka Champions League.Markii iskugu dambaysay ee ay albaabada isku xidheen Real Madrid iyo Liverpool waxay ahayd finalkii Champions League ee sannadkii 2018. Real Madrid ayaa ciyaartaas ku badisay 3-1, waxaana Reds iskugu darsamay koobka oo laga qaaday, dhaawacii Mohamed Salah iyo Loris Karius oo hadiyado bixiyey, kaddib markii uu Sergio Ramos jug ka gaadhsiiyey madaxa ee uu dhiishku dhaqaaqay.Wax badan ayaa iska beddelay…