James Milner Oo Magacaabay Xiddigii Liverpool Ee Ka Yaabiyey Intii Ay

Xiddiga Liverpool ee James Milner ayaa magacaabay laacib ka  yaabiyey intii ay socotay ciyaartii goolal la’aanta ku dhamaatay ee ay kooxdiisu xalay kaga hadhay tartanka Champions League, taas oo ay Real Madrid ugu gudubtay semi-finalka.

- Advertisement -

James Milner ayaa kusoo bilowday khadka dhexe ee ciyaartii Anfield, waxaana waqti horeba uu ku lug yeeshay muran dhacay markii uu taako xun ku qabtay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.

Liverpool ayaa ciyaartan inteeda badan maamulanaysay, waxayse awoodi waayeen in ay gool dhaliyaan.

Milner ayaa qaybtii hore waxa uu sameeyey isku day cajiib ahaa, isagoo goolka ku toogtay kubbad xeegaysan oo uu bannaanka ka tuuray, waxaana dirqi kaga saaray goolhaye Thibaut Courtois.

Sidoo kale, waxa fursado wanaagsan helay Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Diogo Jota oo awoodi waayey in ay kubadda dhaafiyaan goolhayaha reer Belgium.

Markii ay soo dhamaatay ciyaartu, James Milner ayaa magacaabay laacib ka yaabiyey intii ay ciyaartu socotay oo u ciyaarayay Liverpool, kaas oo sameeyey bandhig heerkiisu sarreeyo.

Difaaca Nat Phillips ayaa xakameeyey weeraryahannada Real Madrid isagoo kaashanaya Ozan Kabak, waxaanu bandhiggiisa ku mutaystay amaanta Milner.

Ruug-caddaagan ayaa sheegay in Nat Phillips uu bandhig heersare ah muujiyey, isla markaana uu ahaa laacib rukun adag noqonaya oo istaagay waqti loo baahan yahay.

Waxa uu soo qaaday sidii uu u joojiyey weeraryahannada Karim Benzema iyo Vinicius.

Your browser does not support the audio element.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More