RIKOODH: Real Madrid Oo Aan Hore Dunida Looga Arag Ee Real Madrid Ay

Ma jirto koox ka badan Real Madrid oo gaadhay semi-finalka Champions League, xataa ma jiro naadi kusoo dhow.

- Advertisement -

Real Madrid ayaa semi-finalka Champions League waxay gaadhay 30  jeer, waxaanay wacdaraha ugu badan samaynaysay 11kii sannadood.

Bayern Munich ayaa ugu soo dhow oo 21 jeer usoo gudubtay afarta ugu dambeeya, halka Barcelona ay 16 jeer timid iyo AC Milan oo 12 mar soo gaadhay afarta ugu dambeeya ee semi-finalka.

Sannadihii ugu dambeeyey, Los Blancos ayaa ahayd naadiga loogu saadaalinta badan yahay, sababtuna waxay ahayd in ay haysteen ciyaartooyo awood leh iyo khibraddooda tartankan oo ka caawinaysay in ay noqoto kooxda ugu cadcad tartankan.

11kii sannadood ee ugu dambeeyey ayay Real Madrid u gudubtay semi-finalka 9 jeer, waxaanay koobka qaadatay afar ka mi dah.

Jose Mourinho ayaa xilli ciyaareedkii 2010/11 soo afjaray habaar muddo sannado ah ka haystay wareegga, waxaana intii ka dambaysay ay si toos ah u imanayeen semi-finalka marka laga reebo xilli ciyaareedkii hore oo ay wareegga 16ka ku hadheen.

Ka sokow in ay saddex Champions League oo isku xiga ku guuleysatay sannadihii u dhaxeeyey 2015/16, 2016/17, 2018/19, haddana waxa rikoodh kale ah in ay yihiin kooxda ugu badan ee taariikhda Champions League soo gaadhay wareegga, waxaanay rikoodhkeeda sii dheeraysatay xalay.

Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, Los Blancos ayaa siddeed semi-final oo Champions League ah kasoo muuqatay, waxaana kusoo xigta Barcelona oo shan mar soo gaadhay.

Intii uu Zidane joogay

Kani waa semi-finalkii afraad ee Zinedine Zidane uu yimaaddo, waxaanu hore ugu guuleystay koobka Champions League saddexdii mar ee hore ee uu wareeggan usoo gudbay.

Tababaraha reer France ayaa marxaladdan ku reebay Manchester City, Atletico Madrid iyo Bayern Munich saddexdii sannadood ee hore.

Chelsea ayay hadda ballansan yihiin, waligoodna kumay kulmin tartanka Champions League marka laga reebo xilli ciyaareedkii 1970/71 oo ay wada ciyaareen Cup Winners’ Cup iyo 1997kii oo ay ku kulmeen Super Cup.

Labadan jeerba waxa badisay Chelsea.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More