Hordhac: Manchester United vs Granada – Luke Shaw, Harry Maguire iyo
Manchester United ayaa hal lug kula sii jirta semi-finalka Europa League, waxaanay caawa is-raacsanayaan hawl yar oo qabyo ka ahayd marka ay garoonka Old Trafford ku qaabbilaan Granada.
- Advertisement -
Red Devils oo tartanka FA Cup ay kasoo reebtay Man City ayaa waxa tartanka kaliya ee ay fursadda u haysato xilli ciyaareedkan in ay ku guuleysato waxa uu noqday Europa League maadaama ay kaalinta horyaalka u dhoweyn, sidoo kalena ay waqti hore macasalaameeyeen tartamada kale ee maxalliga ah.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa awoodda oo dhan iskugu geynaya tartankan oo ay yihiin kooxda loo saadaalinayo, si ay koobka ugu guuleystaan oo aanay faro madhan ugu dhamaysan xilli ciyaareedkan.
Lugtii hore ee Granada ay ugu tagtay Spain, Manchester United ayaa kusoo badisay 2-0 iyadoo goolashana ay u dhaliyeen Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes.
Dhinaca kale, Granada oo aan rajo ka qabin horyaalka maxalliga ah ee Spain ayaa waxay dagaal u geli doontaa sidii ay United uga yaabsan lahayd ee ay uga daba iman lahayd, balse saansaanta iyo fursadaha ay kusoo gudbi karayso ayaa aad u yar.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Manchester United vs Granada
Tartanka: Europa League
Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Old Trafford.
Wararkii u dambeeyey labada kooxood
Marcus Rashford ayuu shaki ku jiraa in uu caawa ciyaari doono sababtoo ah waxa uu dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay ku seegay tababarkii United ee Arbacadii shalay, laakiin Solskjaer ayaa sheegay in uu laacibkani taam noqonayo.
Daniel James ayaa kusoo laabtay tababarka kaddib kulankii Tottenham ee uu ka maqnaa, waxaase ciyaartan ganaax kaga maqnaanaya Luke Shaw, Harry Maguire iyo Scott McTominay.
Anthony Martial iyo Phil Jones ayaa iyaguna dhaawac ku maqan, waxaana sidoo kale aan joogin Eric Bailly oo inkasta oo uu kusoo laabtay UK, aan haddana wali loo ogolaanin in uu kooxda qayb ka noqdo.
Solskjaer ayaa ciyaartoydiisa kusoo daray laacib 18 jir ah si uu ugu dhamaystiro tirada laacibiinta ah ee ka maqan.
Shaxaha macquulka ah
Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Tuanzeve, Telles; Fred, Pogba; Greenwood, Van de Beek, Pogba; Cavani
Granada: Silva; Foulquier, Sanchez, Vallejo, Neva; Herrera, Gonalons; Puertas, Montoro, Machis; Suarez