SOOMAALIYA: Farmaajo oo war ka soo saaray muddo kordhinta baarlamaanka
Muqdisho (Axadle) - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay muddo kordhinta labada sano ah ee ay baarlamaanka u sameeyeen xukuumadda cusub.
War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri: "Madaxweynaha wuxuu muujiyey in dowladdu ay door hoggaamineed ka ciyaari doonto dhaqan gelinta sharcigan oo ay ansixiyeen Golaha Wakiillada, kaasoo horseedaya in doorashooyin toos ah la qabto, shacabka Soomaaliyeedna loogu soo celiyo dastuurkoodii. xaq u leeyihiin inay…