Iran oo ku eedeysay Israel weerarkii Natanz waxayna wacad ku martay aargudasho
Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa balan qaaday inuu ka aargudan doono Israil weerarkii ay ku qaaday xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz, laakiin wuxuu sheegay inaysan hakin doonin wadahadalada heerka sare si loo soo celiyo heshiiskii Nukliyeerka ee dalku la galay Mareykanka.
Kulan gaar ah oo uu la yeeshay xildhibaannada Isniinta, Zarif waxa uu tilmaamay in saraakiisha sarsare ee Israa’iil ay caddeeyeen inay raadin doonaan ka hortagga dadaallada dhinacyada badan leh ee dib loogu soo celinayo Qorshaha Wadajirka ah ee (JCPOA), kaas oo horseedi doona in cunaqabateynta Mareykanka laga qaado Iran.
“Hada waxay rumeysan yihiin inay gaari doonaan hadafkooda. Laakiin sahyuuniyada waxay jawaabtooda ka heli doonaan horumarka sii kordhaya ee awooda nukliyeerka,” diblumaasiga ayaa laga soo xigtay IRNA ee dowlada
Wuxuu balan qaaday inuu “ka aargudan doono” Israel wuxuuna sheegay in Iran aysan ku dhici doonin dabinkeeda ayna diidi doonto inay gasho wadahadalo horseedi kara in cunaqabateynta Mareykanka laga qaado.
Wuxuu kaloo u balan qaaday Natanz in loo dhisi doono si ka xoog badan sidii hore iyadoo la kaashanayo qalab casri ah.
“Haddii ay rumaysan yihiin in gacantii wadahadallada ay wiiqantay, fulaynimadani waxay hubaal sii xoojin doontaa mowqifkeenna ku aaddan wadahadallada,” ayuu yidhi.
Iran iyo Israel ayaa in ka badan toban sano ku dagaalamayay gobolka oo dhan markii dhawaanahan ay sii xoogeysanayeen.
Tallaabooyinkii ugu dambeeyay waxay qaateen qaab weeraro taxane ah oo lagu qaadayo maraakiibta Iran iyo Israel, iyo dilkii foosha xumaa ee saynisyahankii ugu weynaa Iran ee dhanka Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh.