Robert Lewandowski Oo Kusoo Noqday Tababarka Bayern Munich & Haddii Uu

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa kusoo laabtay tababarka fudud kahor kulanka muhiimka ah ee ay kooxdiisu habeen dambe martida ku tahay gegida Parc des Princes oo ay ku booqanayso dhigeeda Paris Saint-Germain lugta labaad ee wareega 8-da Champions League.

32 sano jirkaas ayuu dhaawac ku gaadhay kulankii dhex maray xulkiisa Poland iyo xulka Andorra kaas oo ahaa dhaawac jilibkiisa midig ah maantana waxay u ahayd markii ugu horreysay ee uu tababar ku qaatay xerada kooxdiisa ee Sabener Strasse.

Sida uu sheegayo wargeyska BILD, Lewandowski ayaa sii maqnaan doona ugu yaraan laba toddobaad oo kale iyadoo kulanka ugu horreeya ee uu kooxda tababare Hansi Flick kusoo laaban karo uu yahay midka ay Bayer Leverkusen la balansan yihiin 20-ka bishan April amaba ciyaarta Mainz ee 24-ka April.

Bayern ayaa hubaal u xiistay xiddiga loo doortay midkii ugu fiicnaa dunida sanadkii hore, waxa tusaale u ah in kulankii PSG ay ahaayeen kuwo 31 darbo sameeyay balse ay Paris oo 6 darbo samaysay 3-2 kaga guuleysatay.

Markale kooxda tababare Flick ayaa lumisay hoggaan 1-0 ah kulankii ay Sabtidii bar-bardhaca lasoo galeen dhigooda Union Berlin oo ay 1-1 ku kala baxeen.

Hoggaanka ay ku hayeen horyaalka Bundesliga ayaa ah mid hadda ay shan dhibcood kusoo koobtay RB Leipzig oo 4-1 ku garaacday dhigeeda Werder Bremen.

Eric Chaupo-Moting ayaa la filayaa inuu markale hoggaamiyo weerarka Bavaria kulanka PSG ee habeen dambe xilli Serge Gnabry uu wali karantiin ku jiro kaddib markii laga helay caabuqa Korona Fayras.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More