Maxaa Ka Dhacay Garoonka Tababarka Real Madrid Isniintii Maanta?
Real Madrid ayaa dib ugu soo noqotay tababarka subaxnimadii Isniintii maanta, iyadoo ay ciyaartoydu nasasho la’aan kusoo laabteen xarunta Valdebebas kaddib barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay la galeen Getafe Axaddii.Zinedine Zidane oo ay ciyaartooyo la’aani ku dhacday kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, dantuna ku kalliftay in uu ciyaarsiiyo laacibiin da’yar u badan oo uu heerka labaad kasoo qaadday.Tababarkii maanta waxa dib ugu soo laabtay Raphael Varane oo muddo laba toddobaad ah u jiifay Korona Fayras, afartii…