Ciyaaryahanadda Liverpool Oo Lagu Mudaharaaday Ka Hor Kulanka Leeds United

Boqollaal taageereyaal cadhaysan ah ayaa ku mudaharaaday ciyaartoyda Liveprool ka  hor kulanka Leeds United ay martida ugu yihiin ee ka dhacaya garoonka Elland Road.

Jamaahiirta oo wata boodhadh ay ku dhalleecaynayaan Liverpool iyo kooxaha kale ee waaweyn ee Yurub ee samaysanaya tartanka ‘Super League”.

Taagereeyaasha ayaa qaarkood ay siteen boodhadh/tabeelleyaal ay ku qoran yihiin “f**k the Super League’, kaas oo ay ku aflagaadaynayaan kooxahan iyo tartankooda.

Boodh kale oo uu taageere kale sitay ayaa waxa ku qornaa “Lixda kooxood ee cirka waaweyn.”, taas oo loola jeeday Manchester United,  Liverpool, Man City, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal.

Ka hor intii aanay ciyaartoyda Liverpool garoonkaba soo gelin ayay boqollaalka taageereyaasha ahi yimaaddeen albaabka laga galo iyo barxadda hore, waxaanay boodh kale oo ay siteen uu u qornaa: “RIP LFC: Jecloow heerka shaqo ciyaareed ee koox cirweyn oo musuqmaasuq ah”.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More