Maxaa Ka Dhacay Garoonka Tababarka Real Madrid Isniintii Maanta?

Real Madrid ayaa dib ugu soo noqotay tababarka subaxnimadii Isniintii maanta, iyadoo ay ciyaartoydu nasasho la’aan kusoo laabteen xarunta Valdebebas kaddib barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay la galeen Getafe Axaddii.

Zinedine Zidane oo ay ciyaartooyo la’aani ku dhacday kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, dantuna ku kalliftay in uu ciyaarsiiyo laacibiin da’yar u badan oo uu heerka labaad kasoo qaadday.

Tababarkii maanta waxa dib ugu soo laabtay Raphael Varane oo muddo laba toddobaad ah u jiifay Korona Fayras, afartii ciyaarood ee ugu dambeeyeyna ka maqnaa, laakiin waxa tababarka maanta ka maqnaaday Eden Hazard oo toddobaadkii ugu dambeeyey si joogto ah ciyaartoyda ula samaynayay tababarka.

Zidane ayay layaab ku noqotay in laacibkani uu mar kale iman kari waayo Valdebebas, taas oo abuuraysa tuhun kale oo ah in uu seegayo kulanka Cadiz ee Arbacada.

Kooxda ayaan war kasoo saarin sababta Hazard ku maqan yahay in ay tahay dhaawacii oo kusoo labo-kacleeyey iyo in uu arrimo kale ku maqnaaday.

Ka sokow Raphael Varane, waxa kale oo kusoo laabtay tababarka Casemiro iyo Nacho Fernandez oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii Getafe, kaddib kaadhadh casaan iyo huruud ah oo ay qaateen kulankii Barcelona laakiin taam u ah ciyaarta Cadiz.

Fede Valverde oo isaguna ku jira karantiil kaddib markii uu la kulmay qof qaba xanuunka Korona ayaan wali tababarka imanin, xaaladdiisuna ma cadda haddii uu ciyaari doono kulanka Cadiz.

Dani Carvajal ayaa sidoo kale tababarka maanta joogay, waxaanay u muuqataa in uu diyaar u yahay kulanka soo socda ama midka Sabtida, balse Ferland Mendy, Sergio Ramos iyo Lucas Vazquez ayaa dhamaantood maqnaa.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More