“Waa In Koobabkii Ay Haysteen Laga Qaado Manchester United, Liverpool
Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa ku baaqay in kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal laga caydhiyo horyaalka Premier League, laga qaado koobkii & horyaalladii ay ku guuleysteen, dibna loogu celiyo heerka labaad.Neville ayaa qayb ka noqday dadka ka cadhooday horyaalka cusub ee Super League ee ay samaysteen kooxaha waaweyn ee Yurub, kaas oo macne la’aan ka dhigaya horyaallada maxalliga ah iyo Champions League.Kabtanka hore ee Red Devils oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa saddexdan kooxood…