Muqdisho (Axadle) – Oday dhaqameedka Beesha Sheekhaal Awqudub ayaa raali gelin siiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay in lagu aflagaadeeyay hadal dhawaan ka soo yeeray abwaan ka tirsan beesha.
Kulan ka dhacay guriga uu daganyahay madaxweyne xasan sheekh ayaa oday dhaqameedka beesha awqudub waxaay raali galin ka bixiyeen hadal dhawaan ka soo yeedhay badel kulmiye xirsi beeshiisa.
Kulanka ka dhacay hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka deganyahay ayey odoyaasha dhaqanka beesha reer Awqudub uga raali-geliyeen hadal dhowaan uu warbaahinta ka sheegay Abwaan Bedel Kulmiye Xirsi oo ku beel ah.
Odayaasha ayaa Xasan Sheekh saaray cimaamad, sidoo kalena ku sharfay kitaab Musxaf ah, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay raali gelintaas uga timid Odayaasha dhaqanka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal
Abwaan Bedel oo horraantii toddobaadkan ka hadlay isu soo bax lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo ayaa si kulul u weeraray Xasan Sheekh iyo musharraxiinta kale ee mucaaradka wuxuuna cod dheer ku sheegay inuu taageersan yahay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Abwaanka oo ka hadlayey ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu taageersanaa Sheekh Shariif xilligaas, laakiin markii dambe uu u wareegay Farmaajo.
Wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu musuq maasuqay doorashada waqtigaas, laakiin uma aysan dhicin sidii uu filayay, sida uu hadalka u dhigay.