Walee Waa Tababare – Isbeddelka Uu Thomas Tuchel Ku Sameeyey Chelsea
Chelsea ayaa noqotay mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Yurub qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan, waxaana isbeddel badan ku sameeyey Thomas Tuchel oo isku habeeyey ciyaartoydii tirada badnaa ee hore u joogay Stamford Bridge, kuwaas oo Frank Lampard uu ka shaqaysiin kari waayey.Blues ayaa la timid difaac cajiib ah iyo goolasha oo ay cid waliba u dhalinayso, taas oo keentay in ay kaalinta afraad ee horyaalka soo galaan halkii ay hore ugaga jirtay kaalinta sagaalaad waqtigii Frank Lampard la caydhinayay.Lamarpd ayaa shaqada…