Walee Waa Tababare – Isbeddelka Uu Thomas Tuchel Ku Sameeyey Chelsea

Chelsea ayaa noqotay mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Yurub qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan, waxaana isbeddel badan ku sameeyey Thomas Tuchel oo isku habeeyey ciyaartoydii tirada badnaa ee hore u joogay Stamford Bridge, kuwaas oo Frank Lampard uu ka shaqaysiin kari waayey.

Blues ayaa la timid difaac cajiib ah iyo goolasha oo ay cid waliba u dhalinayso, taas oo keentay in ay kaalinta afraad ee horyaalka soo galaan halkii ay hore ugaga jirtay kaalinta sagaalaad waqtigii Frank Lampard la caydhinayay.

Lamarpd ayaa shaqada laga caydhiyey markii ay kooxdu u degtay kaalinta sagaalaad, isla markaana shan ciyaarood gudahood laga dhaliyey sagaal gool iyadoo shantaas kulanna ay hal guul oo kaliya ka heleen.

Kaddib magacaabistii Thomas Tuchel, Stamford Bridge ayaa laga dareemay horumar iyo isbeddel dhab ah, waxaana shaqada ugu badan ay ka qabteen khadka difaaca, halka goolal la’aantiina ay kaga baxeen in ciyaartooyo badan ay shabaqa soo taabeen.

“Waxa muhiim ah in aanu horumar ka samayno difaaca oo aanu rikoodh ka samayno.” Sidaas waxa yidhi kabtan Cesar Azpilicueta.

Rikoodhka Tuchel ee difaaca

20 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo Thomas Tuchel ay hoggaamiyey Chelsea, waxay shabaqooda nadiif ka dhigteen oo aan wax goolal ah laga dhalinin 15 ciyaarood. Shanta kulan ee shabaqooda la taabtay ayaa waxa laga dhaliyey sagaal gool oo shan ka mid ah ay ka dhasheen ciyaartii West Brom ay kaga yaabsatay 5-2.

Xilli ciyaareedkii hore ee uu Lampard joogay Blues, waxa laga dhaliyey 54 gool iyagoo sagaal ciyaarood oo kaliya shabaqooda ilaashaday.

Ka hor intii aanu Tuchel imanin, Blues ayaa laga dhaliyey 23 gool 19 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, laakiin 13 kulan oo horyaalka ah oo Tuchel uu joogay waxay shabaqooda ilaashadeen sagaal ka mid ah.

Kaliya Manchester City ayaa ka horreysa dhinaca difaac wanaaggsa, waxaana Blues laga dhaliyey 31 gool oo 23 ka mid ah ay ahaayeen waqtigii Lampard, halka Man City laga dhaliyey 24 gool.

Thomas Tuchel ayaa waxa uu awood u yeeshay in shabaqiisa uu ka ilaashado Pep Guardiola, Jurgen Klopp iyo Diego Simeone oo ay Chelsea la ciyaartay intii uu joogay, waxaana la eegi doonaa waxa ay kala yeelaan Zinedine Zidane.

Sawirkan ayaa muujinaya natiijooyinka kulamadii Chelsea ee intii uu Tuchel joogay:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More