RASMI: Ronald Koeman Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Barcelona Ee

Barcelona ayaa dib u heshay laba xiddig oo dhaawac kaga maqnaa kulanka adag ee ay Axadda la ciyaari doonaan Villarreal, taas oo ay u baahan yihiin guul si ay usoo gaabiyaan farqiga dhibcaha ay ka horreeyaan Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele oo ciyaartii ugu dambaysay ee Getafe ay Barcelona ku xasuuqday kaga maqnaa dhaawac iyo goolhyahe Neto oo muddo dheer garoomada ka maqnaa ayaa kasoo kabtay dhaawacyadooda, waxaana lagu soo daray liiska xiddigaha kooxdooda ee kulanka Villarreal.

Goolhayaha reer Brazil ee Neto ayaa muddo bil ah u jiifay dhaawac kuraanta ah, waxaase uu ugu dambayntii ka mid noqday xiddigaha kooxdiisa.

Ronald Koeman oo soo saaray liiska ciyaartoydiisa ayaan u jeedidhin laacibka khadka dhexe ee Miralem Pjanic ayaan tababarkii Barcelona ee maanta imanin, waxaana laga saaray liiska kooxda iyadoo uu qabo dhaawac jilibka lugta midig ah.

Oscar Minguez oo isaguna jilibka ka cabanayay ayaa lagu daray ciyaartoyda Barcelona ee safarta ugu tegaya Villarreal.

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa wali kasoo kabanaya dhaawac uu muddo ku maqnaa, waxaanay liiska maqnaeyaasha ku wada jiraan Ansu Fati iyo Martin Braithwaite.

Xiddigaha Barcelona ee kulanka Villarreal:

Marc-Andre ter Stegen, Sergino Dest, Gerard Pique, Ronald Araujo, Sergio Busquets, Antoine Griezmann, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Riqui Puig, Neto, Clement Lenglet, Pedri, Trincao, Jordi Alba, Matheus, Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Ilaix, Oscar Mingueza iyo Arnau Tenas

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More