Shaxda Rasmiga Ah Ee West Ham vs Chelsea – Tuchel Oo Isbedello

Chelsea ayaa garoonka London Stadium oo ay marti ugu tahay West Ham United oo ay isku haystaan kaalinta afraad, waxaana Blues u taalla shaqo adag oo ah in ay guuleystaan si ay u xoreystaan booskaas.

Thomas Tuchel ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddiga Maraykanka ah ee Christian Pulisic isagoo kaydka u diray Hakim Ziyech, Werner iyo Giroud oo aan garoonkaba joogin, sidoo kalena gool-dhaliyaha reer England ee Tammy Abraham ayaa ku qaadanaya kaydka oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku jiray.

N’Golo Kante ayaa kusoo laabtay khadka dhexe, waxaanay iska garab ciyaarayaan Jorginho iyo Chilwell, halka difaacana ay wada joogaan Azpilicueta, Christensen, Thiago Silva oo kasoo laabtay dhaawac iyo Rudiger.

West Ham waxa iyadana ugu soo bilowday Fabian Balbuen iyo Ryan Fredericks, waxaana booskiisa xajistay Jesse Lingard oo ah laacibka ay kooxdu sida weyn ugu tiirsanayd tan iyo bilowgii sannadkan cusub.

Shaxaha Rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI: Mendy, Rudiger, Silva, Christensen, Azpilicueta, Kante, Jorginho, Chilwell, Mount, Pulisic, Werner.

Kaydka: Arrizabalaga, Alonso, Abraham, Zouma, Hudson-Odoi, Ziyech, Gilmour, James, Havertz.

WEST HAM XI: Fabianski, Coufal, Balbuena, Diop, Ogbonna, Fredericks, Noble, Soucek, Fornals, Lingard, Bowen.

Kaydka: Trott, Randolph, Yarmolenko, Benrahma, Lanzini, Alves, Johnson, Odubeko, Coventry.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More