Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Uu Jurgen Klopp La Bar-Bardhigay
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa goolhayaha kooxdiisa ee Alisson Becker goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay West Bromwich Albion kula bar-bardhigay weeraryahanka Chelsea ee Olivier Giroud oo kubaddaha sarre ee madaxa lagu dhaliyo dilaa ku ah.Reds ayaa qarka u saarnaa inay kooxda ka dhaadhacday ee West Brom la galaan bar-bardhac dhibaato weyn ku noqon lahaa hammigooda ah inay usoo baxaan tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe kahor inta uusan Becker madax cajiib ah shabaqa dhex dhigin.Kaddib…