Kenya ayaa wajaheysa cadaadis saaid ah oo ku aadan duulimaadyada tagaya Soomaaliya – Axadle

Nairobi (Axadle) – Kenya ayaa wajaheysa cadaadis xoogan oo kaga imanaya go’aanka ay ku hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya kadib markii uu dhowaan dib u soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Sida ay qortay jariidada Daily Nation, ganacsatada ka ganacsata Jaadka ee Kenya ayaa dowladda Kenya ku cadaadinaya inay si buuxda u soo celiso xiriirkii siyaasadeed ee labada dal, si ay dib ugu bilaabaan dhoofinta jaadka.

Kimahi Munjuri, oo ah madaxweynaha ururka ganacsatada Nyambene Jad, ayaa u sheegay wargeyska in dowladiisa ay ku deg degtay soo bandhigida duulimaadyada u kala goosha Soomaaliya iyo Kenya wuxuuna cadaadis ku saaray dowlada federaalka Soomaaliya

Go’aanka ayuu ku tilmaamay mid khaldan oo aan miyir qabin wuxuuna sii dalacsiiyay labada dal oo dhawaan dib u soo ceshatay xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Ganacsatada Jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta jaad aad u tiro badan u soo dira Soomaaliya si ay lacag uga helaan waxayna la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran.

Tan iyo markii uu dib u soo laabtay xiriirkii labada dal, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in aysan wali ogolaan dhoofinta qaadka, taas oo markale shaki ka muujineysa dadaalka Qatar.

Kenya oo ka carootay go’aanka dowladda federaalka ayaa Kenya waxa ay xayiraad guud ku soo rogtay duulimaadyada isaga kala goosha labada dal, waxaana dowladda federaalka ay ka fiirsanaysaa tallaabooyin adag oo ay kaga jawaabeyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More