Shaxaha Rasmiga Ah Man United vs Liverpool – Solskjaer Oo Fadhiisiyey
Manchester United iyo Liveprool ayaa foodda isku daraya ciyaar ay hadheeyeen mudaharaadyo oo jamaahiir cadhaysan ay gudaha garoonka soo gashay, taas oo wali qabsoomiddeeda uu shaki ku jiro, inkasta oo ay taageereyaashu bannaanka uga baxeen garoonka.Tababare Ole Gunnar Solskjhaer ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddigihiisa afka hore ee Marcus Rashford iyo Mason Greenwood, waxaase uu kaydka dhigay Edinson Cavani oo wacdaro kadhigay kulankii semi-finalka Europa League ee Khamiistii ay la ciyaareen Roma oo uu laba gool dhaliyey,…