Muxuu CC Sharma’arke ka yiri shirka wada-tashiga ee doorasho…
Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa boggaadiyey wada-hadallada doorashooyinka ee ka bilaabanaya gudaha Caasimadda Muqdisho, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isaga oo u tilmaamay in wada-hadalladan ay muhiim u yihiin ka gudubka xaaladda…