MUCJISADII XALAY: 20 Ciyaartoy Oo Afar Goolhaye Ku Jiraan Oo Maqan…
Sidii aanu shalay idiin soo gudbinay, kooxda kubadda cagta River Plate ayay ciyaartooyo la’aani ku dhacday kulankii ay xalay la ciyaarayeen Santa Fe, waxaana fayraska Korona kaga maqnaa illaa 20 ciyaartoy oo karantiil kaga jiray, waxaana kaliya usoo hadhay 11 laacib oo midkood dhaawac ahaa oo aanay goolhayeyaal ku jirin.Afartii goolhaye ee ay kooxdu haysatay ee illaa naadiyadeeda hoose ayaa dhamaantood uu ku dhacay Fayrasku, waxaana xidhiidhka kubadda cagta Latin America uu ka diiday in ciyaartan dib loogu dhigo.Kulankan oo…